26″ April “2022” Muqdisho
Boolliska Soomaaliya ayaa iska fogeeyey eedaymo uu soo jeediyey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku aaddanaa is booliisku ay shalay weerar ku soo qaadeen.
Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in booliisku aanay wax weerar ah ku qaadin guddoomiye Dhabancad balse ay soo qab-qabteen rag uu sheegay in rasaas rideen.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in raggaas rasaasta riday ay hatan ku jiraan gacanta booliiska isla markaana sharciga lala tiigsan doono.
Guddoomiye Dhabancad ayaa goor sii horraysay taliyaha booliiska Soomaaliya ku eedeeyey in uu masuul ka ahaa weerar uu sheegay in naftiiska “halis” lagu geliyey.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska soomaaliya