Taliska xoogga dalka ee G/Hiiraan oo iclaamiyey duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo shalay dagaal kula wareegtay deegaan hoos taga degmada Maxaas

22″ March “2022” Hiiraan

犀利士 /dheeho.com/wp-content/uploads/2022/03/image-166.png” alt=”” class=”wp-image-51353″/>

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa maanta gaaray degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha kale ee qeybta 27-aad ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah nabadiidka argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo kooxda looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa safarka uu uga baxay Muqdisho waxaa ku wehlinayey Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Jeneraal Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale. Taliyaha ayaa ku dhiira-galiyay ciidamada in loo adeego Qaranka, lagana difaaco oo gacan la siiyo cid kasta oo diyaar u ah inay iska dhiciso nabadiidka Al-Shabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha qeybta 27-aad Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona magaalada Buuloburde gobolka Hiiraan, waxayna dejinayaan qorshaha la doonayo in go’doonka looga saaro magaaladaas.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ay shalay dagaal kula wareegeen tuulada Teedaan ee hoos timaada degmada Maxaas.