Taliyaasha ciidamada Somaliland oo looga digay in ay ku dhaxmilmaan siyaaxadaha isdiidan

14″ November 2022 Hargeysa

Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka犀利士 mid ah siyaasiyiinta Somaliland, kana mid ahaa hogaanka urur siyaasadeedka Daljir ayaa sheegay in aanay ahayn in taliyaha Booliska Somaliland oo ku dhex milmo muranada siyaasada.

Siyaasi Cabdi Cali ayaa sheegay in taliyuhu uu ku eekaado arimaha nabadgelyada, siyaasiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

Wuxu Madaxu Iga Xanuunay Xalay!

Dawladaha deriskeena ta aynu isugu dhawnahay xaga nidaamaka siyaasiga ah ee dastuurkeena ku xardhan waa Kiiniya ( kuwa kale shaqo iskuma lihin); hadaba, waxan is waydiinayaa in taliyaha bilayska Kenya soo dhex galo siyaasiyiin iyo xisbiyo wada hadlaya! Looma diidana in wixii nabadgalyo xumo ah ay bilaysku wax ka qabtaan, laakiin waxa aan is waydiinayaa illaa imika in taliyaha bilaysku u khudbadayn karo dadwaynaha iyada oo waxa la isku hayaa ay tahay siyaasad, xataa haddii nabadgalyo daro dhacdo waa natiijo ee mawduuca meesha yaalay maba aha nabadgalyo ee waa siyaasad!

Wasiirkuna wuxu isku khalday xukuumad iyo qaranimo; ma jirto cid diiday qaranumada Somalikand! Xataa macnuhu ma aha madaxweynuhu ma shaqaynayo, maxaa yeelay illaa madaxweyne la doorto lama ogola in meeshu banaanaato! Laakiin waa madaxweyne la tafaafulay! Ayuu yidhi Prof Cabdi Cali Jaamac

Leave a Reply