MONDAY “27” SEPTEMBER “2021 MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho. Ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ayaa Muqdisho u tagay in uu si kala gaar gaar ah ula kulmo Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble
Lama oga ujeedka booqashada saraakiishan ka socota dowlada Uganda ay ku yimaadeen dalka inuu la xiriiro sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xal u helida khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada federalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa hore ugu hanjabay in ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga dalka Soomaaliya inuu kala baxayo dalka Soomaaliya haddii aysan heshiis gaarin Madaxwyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.