Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo dhiirigelin ugu tegay ciidanka ku sugan Waniile

16- July-2024″ Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo dhiirigelin ugu tegay ciidanka ku sugan Waniile

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa galabta gaarey Aagga Deegaanada Waniile iyo Dhagaxyaale, oo uu ka soconayo howlgal balaaran oo khawaarijta jab xoog leh lagu gaarsiiyay.

Jeneraal Dayax Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ayaa Ciidamada iyo saraakiisha ku sugan deegaanadan lagu baacsanayo Cadawga ee hoostaga Ceeldheer, ku dhiiri-geliyay guulaha ay soo hooyeen iyo jabka baaxadda leh ee ay ku naafeeyeen khawaarijta isku aruursaneysay dhulka howdka ah, oo wali meydadkooda haaddu cuneyso.