Taliye Saldhig oo Ku Geeriyooday Weerar Ismiidaamin Ah oo ka Dhacay Muqdisho

9″ May” 2021″ Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo ahaa qof waxyaabaha qarxa soo xirtay ayaa isku qarxiyay Saldhigga Booliska degmada Waaberi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

Rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada., dad ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in Qaraxa lagu weeraray Saldhiga degmada Waaberi ee  Gobolkani Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegayaan in Gaari Ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhiga booliska degmada oo ku yaalla aga-gaarka Isgoska Dabka, waxaana qaraxu uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dadka ku dhintay Qaraxa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Degmada Waaberi  Axmed baashane oo ku Magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye  uga soo noqday  Saldhigyada Degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolkani Banaadir.

Sidoo kale wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray Ciidamo ka tirsanaa kuwa Saldhigga degmada Waaberi, iyadoo wararku ay tibaaxayaan dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil ku sugnaa Saldhigga markii uu qaraxu dhacayay.

Wali lama xaqiijin khsaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Gobolka banaadir iyo kan  Degmada.

Leave a Reply