Taliyihii Ciidanka Kumaandooska Danab oo Xilka Laga Qaaday

Gaashaanle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin  Taliyihii  guutada 16aad ee kumandooska Danab ayaa xilka laga qaaday, iyadoo dhawaanahaan ay soo baxayeen warar sheegayay in Taliyaha Xilka laga qaaday uu u xirnaa arrimo siyaasadeed, waxaana uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya sida ay wararku sheegayeen.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur (beeryare), kaasi oo horay xilal uga soo qabtay Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Taliayah Xilka laga qaaday ayaa waxaa la sheegay in uu in muddo ah uusan wax shaqo ah qaban kadib markii madaxda sare ee dowladda ay shaqo joojin ku sameeyen taliyaha, waxana Ehalada Cabdi Maalik  Maalin warbaahinta u sheegeen in  Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah uga dambeeyay shaqa ka joojinta taliyaha.

Hoos ka aqriso Taariikhda taliyaha Cusub

Taliyaha Cusub ee Guutada 16 aad Kumandooska Danab Gashanle Axmed Cabdilaahi nuur {beeryare} waxa uu ku dhashay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee badhtamaha dalkeena somaliya sanadkii 1988 Waxa uu ku soo barbaaray waxbarashadiisana ku qaatay dhusamareeb sida Dugsiga, hoose, dhexe iyo sare,iyo kitaabada cilimiga Diiniga ,Axaadiista iyo Axkaamta waxa Uuna ciidanka xoogga dalka ku soo biiray 2008 waxa uu ka soo qayb qaatay Dagaalo laga xoraynaayey nabadiidka degaano ka mida dalkeena somaliya, Sanadii 2013 waxa uu ka mid noqday ciidankii dib lagu asaasay ciidan ka kumandooska Danab ee xoogga dalka waxana uuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida Taliye Koox, Taliye Hurin Taliye Saadka, waxa uu waxbarsho heer jamacadeeda u aday Dalka Uganda isagoo halka ku soo diyaariyey waxbarashada heer jamacadeed Dhinaca ciidanka waxa uu tobobaro ku soo qaatay wadamada kala Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.waxa u ahaa Abanduulaha Guutada 16 aad Ciidan ka Kumandooska danab iyadoo hada loo magacaabay Taliyaha Guutada 16 aad ee Ciidan ka Kumandooska Danab

Leave a Reply