Taliyihii Police ka Gobolka Banaadir oo Xilkii Laga Qaaday Markii uu Baajiyay Kulankii Mudo Kororsiga Baarlamaanka

12″ April “2021

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye  Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Booliska Gobolka, isagoona mid cusub u magacaabay.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare

Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole)  ayaa horey u ahaa taliyaha Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Saadaq Joon ayaa saacad kahor warbaahinta ka shaaciyay inuu baajiyay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Taliyihii hore ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon in marnaba aan la aqbali doonin muddo kororsi Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyaan Hay’addaha dowlad

Saadaq Joon oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni darro.

“Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho dib ugu laabta, deegaanadiina dib kalsooni ugu laabta”ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu qaato doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka dhacaya, uuna ka qeyb galo shirarka looga hadlayo doorashooyinka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadalada uu jeedinayo, isla markaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply