11″ March 2023
Qiyaastii 1,300 oo qof ayaa halis ugu jira magaalada Calabria, halkaas oo 73 qof ay dhawaan ku qaraqmeen doon ku degtay taasoo keentay in baaritaan lagu sameeyo howlaha samatabixinta ee Talyaaniga.
Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa bilaabay hawlgallo badan oo samatabbixin ah si ay u badbaadiyaan boqollaal qaxooti ah oo laga soo buuxiyay doonyo ku sii jeeday gobolka Calabria, wax ka yar laba toddobaad ka dib markii ugu yaraan 73 qof ay ku qaraqmeen doon degtay.
“Hawlgallada samatabbixinta… si gaar ah ayay u adag yihiin sababtoo ah tirada badan ee dadka saaran doomaha oo dul heehaabaya,” ilaalada xeebaha ayaa bayaan ku sheegay Jimcihii.
Xeebaha dalka Talyaaniga waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo 1,300 oo tahriibayaal ah oo la socday doomo aad loo buux dhaafiyay.犀利士
Ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee dalkaasi ayaa sheegay inay ku dadaalahayaan sidii ay u caawin lahaayeen saddex markab oo u dhow gobolka koonfurta ee Calabria.
Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid adag, sababo la xiriira tirada doomaha iyo dadka khatarta ku jira awgeed.
Dadaalka samata bixinta ayaa imaanaya ku dhawaad labo todobaad kadib markii ugu yaraan 73 muhaajiriin ah, ay ku dhinteen doon ku degtay isla gobolka.