2″ Feb”2023″ AFP
Talyaanigu wuxuu ku lug leeyahay dambiyada cusboonaysiinta heshiiska Liibiya: dhiinaca bani,aadanimada Dheeho.com
Heshiiskii socdaalka ee muranka dhaliyay ee u dhaxeeyay Talyaaniga iyo Liibiya ayaa si toos ah loo cusbooneysiiyay muddo seddex sano ah iyadoo ay digniino ka bixiyeen hay’adaha samafalka oo sheegay in laga yaabo arrintan inay Rome iyo Midowga Yurub ka dhigto mid ka mid ah dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Heshiiska Isfahamka Socdaalka – oo la saxiixay 2017 si loo siiyo mas’uuliyiinta Liibiya taageero maaliyadeed iyo mid farsamo si ay ” u la dagaallamaan socdaalka sharci darrada ah” – ayaa si toos ah loo cusbooneysiiyay mar labaad Khamiistan
Human Rights Watch (HRW) ayaa ka digtay in “caawinta ilaalada xeebaha Liibiya, iyadoo la og yahay inay fududeyn doonto soo celinta kumanaanka qof oo tayaaigu ku soo celinayo Libiya ay noqoneeyso xadgudubka xuquuqda aadanaha , taasoo ka dhigaysa Talyaaniga iyo Midowga Yurub inay ku lug leeyihiin dembiyadan oo kale”.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay bishii June 2022 ayaa lagu ogaadey in muhaajiriinta ay la kulmeen ” dil, waayitaanka qasabka ah, jirdil, adoonsi, xadgudub galmo, kufsi, iyo falal kale oo bini’aadantinimo ka baxsan…
Bishii Sebtembar 2022, dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) waxay ogaatay in dembiyada ka dhanka ah muhaajiriinta Liibiya “ay ka dhiganan karaan dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo dembiyo dagaal”.
Human Rights Watch waxay sheegtay in “waalwalka” Talyaanigu ka qabo ka ilaalinta muhaajiriinta iyo magangalyo doonka ee xeebaheeda ay la macno tahay “fududeynta” soo celinta ilaa 108,000 oo qof oo tacaddiyo kala kulmayay Liibiya tan iyo 2017
“Mas’uuliyiinta Talyaanigu waxay si buuxda uga warqabaan in qalabka ay bixinayaan uu noqon doono 犀利士 qalab lagu xad-gudbo xuquuqul insaanka oo badan,” ayuu yiri de Bellis.
Midowga Yurub ayaa u qoondeeyay 57.2 milyan oo Yuuro ($62.8m) oo loogu talagalay maareynta isku dhafka xuduudaha iyo socdaalka ee Liibiya tan iyo 2017.
Hay’addeeda xuduudka ah ee Frontex ayaa sidoo kale bixisa macluumaadka ilaalada ee Liibiya ay u isticmaasho ka hortagga qaxootiga iyo muhaajiriinta.