1″ September “2022”
Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay uu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxda Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Jannaasada Marxuumka gudaha Madaxtooyadda.
“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”.
Madaxweynaha ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna犀利士 uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.