Xiddigii hore ee PSG wuxuu noqon karaa’ cod amar leh ‘kooxda Lampard, ayuu yidhi Rivaldo. Daafaca dhexe ee halyeeyga ah ayaa weli heysta ‘wax badan oo ay ku soo bandhigaan’ heerka ugu sarreeya, sida laga soo xigtay nin kale oo reer Brazil ah
35-jirkan ayaan la siinin fursad uu ku sii dheereysto joogitaankiisa Parc des Princes, waxaana uu haatan indhaha ku hayaa tartan cusub ka dib sideeddii sano ee ugu dambeysay xirfadiisa ciyaareed ee caasimada France.
Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay hogaamineyso loolanka saxiixa Silva, iyadoo daafaca dambeedka dhexe ee PSG lagu soo waramayo inuu tijaabada caafimaadka ku marayo Stamford Bridge dhamaadka Isbuucaan.
Silva ayaa la rajeynayaa inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Blues illaa iyo sanadka 2023, saaxiibkiis wadan ahaana wuxuu hubaa inuu wax ku soo kordhin doono kooxda cusub ee Lampard isagoo sidoo kale tusaale u noqon kara da ‘yarta kooxda.
Halyeeyga reer Brazil Rivaldo, oo ku guuleystay billadii Koobka Adduunka 2002, ayaa u sheegay Betfair: “Marka uu 35 jir yahay, Thiago Silva wuxuu u saxiixi doonaa Chelsea labo xilli ciyaareed waana ku kalsoonahay inuu shaqo fiican ka qaban doono halkaas, madaama uu yahay dib ugu soo laabasho weyn oo leh boos fiican iyo khibrad balaaran oo kubada cagta adduunka ah.
Waxaan u maleynayaa inuu weli la yimid dalab badan. Waxaan ku celin lahaa isaga inuu soo bandhigo kubad wanaagsan Premier League waana inuu noqdaa mid fariin cod ah ku leh ciyaartooyda da’da yar ee Frank Lampard.
Maalmahan, ciyaartoy badan ayaa sii kordhiyay shaqadooda ilaa ay ka gaarayaan 30 sano jir, Silva ayaana tusaale fiican u ah arintaas, sidii aan ahaa waqtigeyga.
“Haddii aad naftaada ku sii hayso xaalad caafimaad oo wanaagsan waxaad si fudud ugu ciyaari kartaa heerka ugu sarreeya illaa 36, 37 sano jir.”
Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Craig Burley ayaa sidoo kale taageeray suurtogalnimada uu Silva ugu dhaqaaqo Bridge, iyadoo Lampard uu u arko inuu qatar ku yahay jilitaanka la xaqiijiyay.
Burley ayaa usheegay ESPN horaantii isbuucaan: “Ma ahan wax sax ah inaan saxiixo 36 sano jir, laakiin waa qof 36 jir ah oo taam ah, leh dabeecad fiican, qibrad fiican leh islamarkaana karti u leh. wali ciyaar.