Tigray-ga Itoobiya ayaa wali sugaya gargaarka bini’aadantinimo

11″ November “2022”SOURCE: REUTERS

Tigray-ga Itoobiya ayaa wali sugaya gargaarka bini’aadantinimo Iyadoo hay’adaha samafalku ay sheegayaan in laga hor istaagay cuno ay u diri lahaayeen gobolka Tigray

Kaalmada bani,aadantinimo ee gobolka Tigray ooy dagaalladu halakeeyeen ayaan weli dib u billaaban iyadoo Maraykanku uu ku booriyey Addis Ababa inay ixtiraamto heshiiska oo ay oggolaato dib u furista howlaha gargaarka wakaaladaha wararka caalamka ayaa sidaas sheegay

Saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adaha samafalka caalamiga ah ayaa sheegay in iyadoo ay jirto xabbad joojinta, hadana ay 犀利士 kolonyadooda cunada weli sugayaan ogolaanshaha maamulka si ay ugu gudbaan aaggaga baahida bani,aadanimo ay ka jirto

Ethoipia ma aysan ballan qaadin waqti cayiman, waxayna beenisay inay xannibtay gargaarka,dib u soo celinta gaarsiinta gargaarka ayaa ku jirtay ajandaha heshiiskii xabad joojinta maamulka Adisababa iyo TPLF

Kormeerayaasha calamiga ah ayaa walaac ka muujiyay goorta Eritrea oo aan qeyb ka ahayn xabad joojinta ay ciidamadeeda kala baxeeyso itoobiya iyadoo Eritrea aysan waxba ka sheegin inay ciidamadeeda kala baxayso iyo inay u hoggaansanto heshiiska xabbad-joojinta intaba

Leave a Reply