12″ January “2023” African News
Wafuud ka socota France iyo Germ oo ku sugan Ethiopia ayaa qorsheynaya inay booqdaan xarun lagu qaybiyo gargaarka ay bixiso hay’adda cunnada Adduunka ee WFP, si ay u arkaan fulinta deeqda Ukrainian-ka oo dhan 50,000 oo tan oo qamadi ah oo loogu deeqay Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo Paris iyo Berlin ay ku bixiyeen min 14 milyan oo Yuuro. Dheeho.com
Diblomaasiyiin Faransiis iyo Jarmal ah ayaa Khamiistii booqday Addis Ababa si ay u taageeraan nabadda Tigray, in ka badan laba bilood ka dib heshiiskii lagu soo afjaray colaadda gobolka woqooyi ee Itoobiya Iyadoo shalay Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Shiinaha, Qin Gang, uu Adisababa ka furay xarunta dhaxe ee xakameeynta cudurda Africa
Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah, taasoo ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii fallaagada Tigray ay bilaabeen inay dhiibaan hubkooda culculus, Catherine Colonna iyo Annalena Baerbock ayaa la wadaa kulmaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wasiirrada arrimaha dibadda iyo caddaaladda Ethiopia yo sidoo kale wakiillada Afrikaanka ah. Ururada dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Ka dib laba sano oo dagaal walaaltinimo ah oo barakiciyay in ka badan laba milyan oo Itoobiyaan ah, boqolaal kun oo qofna uu galay xaalad macaluul ku dhow, hadafka Paris iyo Berlin waa “in la taageero geeddi-socodka nabadda,” Colonna ayaa ku tiri Twitter.
Wasiirada ayaa aad u daneynaya inay gaarsiiyaan fariinta Midowga Yurub oo diyaar u ah inay dib uga hawl galaan Itoobiya waase haddii la ixtiraamo xabad joojinta iyo in la sameeyo hab cadaalad ku meel gaar ah.
Booqshada wafdiga yurub ee farnsiiska iyo Jarmalka ay ku tageen Itoobiya ayaa u muuqda mid daba socda socdaalka wasiirka arimaha dibada Shiinaha uu ku marayo Africa kaas oo ka careeysiiyay Ururka midowga Africa markii uu dhinac ka maray baaqii Midowga Afrika ee ku aadanaa taageerada kursiga golaha Qaramada Midoobay Africa ay dooneeyso in ay ku yeelato Matalaad
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shir jaraa’id si wadajir ah ula qabtay wsiirka arimaa dibada shiinaha ayaa sheegay in la’aanta matalaadda joogtada ah ee Afrika ee Golaha Ammaanka ay tahay “arrin gubanaya” iyadoo la tixgelinayo in inta badan ajendaha golaha ay la xiriiraan dalalka Afrika.
Waa wax aan la aqbali karin in kuwa kale ay ku go’aansadaan meesha kuwa kale. Xaq maaha. Waxaan u baahanahay nidaam cusub oo heer caalami ah kaasoo ixtiraamaya danaha dadka kale,” ayuu yiri.
Wasiirka arimaha dibada shiinaha Qin ayaa isna waxa uu diiday fikradda ah in Shiinaha uu Afrika kula tartamayo Maraykanka, kaas oo bi犀利士 shii hore damcay in uu saamayntiisa dib ugu soo celiyo shirkii Maraykanka iyo Afrika ee Washington. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale ku taageeray Midowga Afrika in ay xubin ka noqdaan golaha.
Waxa Afrika ay u baahan tahay waa wadajir iyo iskaashi, ee maaha tartanka kooxaha. Qofna xaq uma laha inuu ku qasbo dalalka Afrika inay dhinac la saftaan,” ayuu yiri Qin.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa yiri, “Afrika waxa ay diiday in loo tixgeliyo in ay tahay goob wax-is-weydaarsasho ah… Waxaan u furannahay iskaashi iyo qof walba oo wax ku tari kara qaarada, laakiin mabaadi’dayada, mudnaantayada iyo danaheena waa in la ixtiraamo.