Tigray oo Sheegtay Inuu U Furan Yahay Wadahadal dhex mara iyaga maamulka Abiy hadii ay Hogaamiyaan Ururka AU-da Ee

12″ September “2022” Allafrica.com

Kadib laba sano oo ay la dagaalameen ciidamada dowlada, hogaanka Tigray ee Itoobiya ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo geedi socodka nabada ee uu hogaaminayo Midowga Afrika (AU), Deutsche Welle  ayaa ku waramaysa.

“Waxaan diyaar u nahay inaan u hoggaansanno joojinta degdegga ah ee labada dhinacba lagu heshiiyey,” ayay maamulka Tigray ku sheegeen hadal ay soo saareen Sebtembar 11, 2022, oo ah maalin ku beegan sannadka cusub ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u muujisay xiisaha ay u qabto wadahadallada nabadeed ee ay fududeeyaan Midowga Afrika, waxayna sheegtay inay diyaar u yihiin inay miiska yimaadaan shuruud la’aan.

  • Ethiopia:  <犀利士 a href=”https://allafrica.com/stories/202209120006.html”>Tigray Forces Open to AU-Led Peace TalksDW, 12 SEPTEMBER 2022Since November 2020, fighting has killed thousands and displaced millions leaving the region in the grip of a humanitarian crisis as it faces acute food shortages. Read more »

Madaxa guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhaweeyay fursadda nabadda wuxuuna kula taliyay “labada dhinacba in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xabbad joojin degdeg ah, oo ay galaan wadahadal toos ah”, halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto Geedi socodka nabada ee AU-du hogaaminayso.

Gobolka woqooyiga Itoobiya ayaa xuddun u ahaa khilaafka u dhexeeya xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) – oo hoggaaminayey dawladdii hore ee dalkaas – iyo maamulka hadda talada haya ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed tan iyo bishii November 2020.

Rabshadaha gobolka ayaa dib u soo cusboonaaday bishii hore ka dib xabbad joojin bilo ah. Labada dhinacba waxay ku eedeeyeen kan kale inuu jebiyey xabbad joojinta.

Leave a Reply