Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

15″ February “2023

Dhulgariirkii Turkiga: Sidee bay dadku uga falcelinayaan jawaabta dawladda?

Jawaabta falcelinta dadka Turkiga ah si, ay noloshooda dib ugu yabyaaan dhulgariirka ka dib waxay u dhexeysaa xanaaq iyo faham IyadooTirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah  ay kor u dhaaftay 41,000 oo qof Dheeho.com

Samatabbixiyeyaashu waxay wali dadka ka soo saarayaan burburka sagaal maalmood ka dib markii dhulgariirku ku dhuftay Turkiga inkasta oo hawlgallo badan oo ka dhacay 10-ka gobol ee ay saameeyeen dhilgariirka ay inta badan diiradda saareen soo kabashada dadadka burburka laga soo hoos saaray

Cisbitaal dawladeed oo ku yaal magaalada Cismaaniye ee koonfurta Turkiga, qaar ka mid ah dadkii la soobadbaadiyay ayaa ka hadlay cabsida ay wali dareemayaan maskaxiyan inay tahay sidii inay ku hoos jiraan guryahoodii dumay iyaga oo qaarkood muujiyay walaaca ay ka qabaan wax ay noqon karto nolosha soo socota

Halil Ibrahim Çalışkan wuxuu eegayaa dukaankiisa oo burburay oo ku yaala dabaqa hoose ee dhismaha dhulgariirku dumay, ma eedayn nasiibkiisa xun.

“Waan ogeyn inaan ku noolnahay aagga dhulgariir. Ma aha qaddar. Dadka ayaa lagu eedeeyaa inay dhisteen dhismayaal daciif ah,” ayuu u sheegay Aljazeera 50-jirkan oo dukaan ku lahaa magaalada Osmaniye ee koonfurta Turkiga.

Su’aalaha ku saabsan u diyaargarowga,

Su’aalaha ku saabsan u diyaargarowga, dambiyada iyo wax ka qabashada masiibada ayaa sii kordhaya iyadoo waddanku uu la halgamayo sidii uu u soo kabsan lahaa toddobaad ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.8 iyo 7.6 ay ku dhinteen in ka badan 35,000 oo qof Turkiga iyo in ka badan 5,800 oo Suuriya ah.

Erdogan ayaa qirtay in uu jiray”gaabis” jawaabta laga bixiyay dhulgariirrada, laakiin wuxuu ku adkaystay xajmiga meelaha ay saameeyeen iyo xaaladaha adag ee jiilaalka in macnaheedu yahay”Inaanay suurtagal ahayn in loo diyaargaroobo musiibo noocan oo kale ah”. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in qiyaastii 13.5 milyan oo qof ay saameysay masiibada dhul qiyaas ahaan le’eg Britain

Ma fahmin waxa dhacaya markii hore. Waxaan u orday albaabka si aan uga baxsado dhismaha, labaadna, dhismahayagii hal dabaq ah ayaa nagu soo dumay [Gülhan iyo hooyadeed, Özlem]. Wardrobe ayaa ku dhacay oo jabay anqawga.

Waxaan u maleeyay inaan dhiman doono, oo ay suurtogal ahayn inaan baxo. Waxaa jiray meel aad u yar, waxaa ka buuxay boodh runtiina ay adag tahay in la neefsado, wali waan qufacayaa sababtoo ah boodhku wuxuu xoqay sambabadayda.

Waxaan maqli karay hooyaday oo ku qaylinaysa, ‘kızım! kizim! [gabadhayda! inantaydii!] Halkeed joogtaa?’. Sidoo kale waan qeylinayay balse hooyaday ima maqli karin maadaama aan si aad ah ugu xayiranahay gudaha dhismaha. Waxaan ku dhuftay albaab dhagax si aan u sameeyo qaylo.

Markii hore, qofna ima soo gaadhi karin iyadoo dhulgariirkii dambe uu sii socday, dadku aad bay u naxeen, hooyaday oo keliya ayaa isku dayday inay i caawiso. Xitaa iyada oo feeraha jaban, waxay isku dayday inay iga soo saarto god aan xitaa bisadu dhaafi karin ayay tiri Gülhan Vişne, oo ah 17, jir arday dugsi sare ah

Marut Babaoğlu, 26 jir ah, makaanik baabuur “

Waan soo jeeday markii dhulgariirku dhacay, waxaan ku orday jaranjarada dhismaha – waxaan ku jiray dabaqa shanaad, guud ahaan waxaa jira siddeed dabaq. Waxaan gaaray inta u dhaxaysa dabaqa labaad iyo saddexaad, ka dib dhismihii wuu dumay oo waxaan ku hoos dhegay burburka jaranjarada. Waxaan ku jiray meel bannaan oo ku filan si aan u rogo oo aan u yara dhaqaaqo, laakiin gacantaydu way xayirantay. Waxay ahayd mugdi madow

Leave a Reply