Tirada dadka ku dhintay dhulgariirada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 22,000 oo qof.

10″‘February “2023

Nin la soo badbaadiyay Isaga oo Nool 110 saacadood ka dib dhul gariirkii

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 22,000 oo qof. Ugu yaraan 19,388 qof ayaa ku dhintay dalka Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne Erdogan, taasoo ka badan tirada dadkii ku dhintay dhulgariirkii dalkaas ka dhacay 1999-kii.

Shaqaalaha samatabbixinta ay qof nool ka soo saareen 110 saacadood ka dib dhulgariirkii 7.8.ee isniintii ku dhuftay dalalka Turkey iyo Syria

“Meyd kale ayaa laga soo saaray burburka hoostiisa wuuna noolaa… 110 saacadood ka dib,” ayuu yiri Serdar.

“Ambalaas ayaa hadda u qaaday isbitaalka. Haddana nin kale ayaa jira, oo ay u qodayaan.

Serdad wuxuu sheegay in samatabbixiyeyaashu aysan wali ka warqabin in ninka labaad uu nool yahay iyo in kale, “laakin rajada halkan ku taal xilligan waa mid aad u sareysa in qof labaad – laga yaabee daqiiqado ka dib – laga soo saari karo burburka hoostiisa, iyo inuu sidoo kale nool yahay” .

Qaramada Midoobay ayaa gargaar u doonta 874,000 oo ah dadkii ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa codsatay lacag dhan 77 milyan oo dollar si loogu bixiyo raashiin iyo cunto kulul 874,000 oo qof oo ay saameeyeen dhulgariirkii ay ku dhinteen ee Suuriya iyo Turkiga.

Tirada u baahan gargaarka “waxaa ku jira 284,000 oo cusub oo ku barakacay Suuriya iyo 590,000 oo qof oo ku nool Turkiga, oo ay ku jiraan 45,000 oo qaxooti ah iyo 545,000 oo gudaha ku barokacay”, ayay hay’adda fadhigeedu yahay Rome ku tiri hadal ay soo saartay.

WFP ayaa sheegtay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay gargaar cunto gaarsiisay 115,000 oo qof oo ku kala nool dalalka Turkiga iyo Suuriya.

“Waxaan bixinaa inta badan c壯陽藥 unto kulul, cunto diyaarsan oo la cuno iyo xirmooyinka cuntada qoyska – waxyaallaha aan u baahnayn tas-hiilaad cunto karinta oo isla markiiba la cuni karo,” ayay tiri Corinne Fleischer, agaasimaha gobolka ee WFP ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Leave a Reply