12″ February “2023” Aljazeera
Gabar yar ayaa la badbaadiyay 150 saacadood ka dib burburka hoostiisa
Gabar yar ayaa la badbaadiyay 150 saacadood ka dib burburka hoostiisa
Hiwlwadeenada goobida iyo samatabbixinta ay gabadhan yar ka badbaadiyeen burburka hoostiisa ee gobolka Hatay ee Turkiga, 150 saacadood ka dib dhulgariir ba’an oo sababay in dhismuhu ku soo dumo dusheeda
tirada dhimashada ayaa gaartay 33,000 oo qof, iyadoo uu wali socdo gurmadka in la gaaro dad nool
Booliska Turkiga ayaa horey xabsiga u dhigay ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan qandaraaslayaal dhismo.effor壯陽藥 ts here.
Muddo sanado ah, khubaradu waxay ka digayeen in dhismayaal badan oo cusub oo ku yaal Turkiga aysan ammaan ahayn sababtoo ah musuqmaasuqa baahsan ee dhismayaashaas lagu maareeyay iyo siyaasadaha dowladda.
Siyaasadahaasi waxay ogolaadeen waxa loogu yeero cafiska qandaraaslayaasha ka weeciyay sharciyada dhismaha, si ay u dhiirigeliyaan kobcinta dhismaha – oo ay ku jiraan gobollada u nugul dhulgariirka.
Kumanaan dhismayaal ah ayaa dumay intii uu socday dhulgariirka, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo in saameynta masiibada dabiiciga ah ay uga sii dartay fashilka bani’aadamka.
Guud ahaan koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, malaayiin ayaa hoy la’aan ah waxaana heerkulku uu hoos uga sii dhacayaa qabowga habeenkii.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof aysan haysan cunto ku filan, hay’addeeda gargaarka ee ku sugan goobta ayaa ka digaysa in dhimashadii ugu dambeysay ee dhulgariirka ay u badan tahay inay laba jibaarto.
Suuriya, tirada dhimashadu hadda waxay maraysaa in ka badan 3,500 – laakiin tirooyin cusub lama daabicin tan iyo Jimcihii.
Erdem Avsaoğlu walaashii, ninkeeda iyo labadooda caruur ayaa ku noolaa burbka dhisme ku dumay Antakya 5 maalmood ka dib dhulgariirkii Isniinta
Waxay ku xayiranaayeen burburka hoostiisa iyaga la soo xiriiray qoyskooda ilaa uu dab ka kacay, goobtii ay ku jireem ka dib isgaarsiintoodi ay joogsatay sabtidii-Hadda waa maalintii toddobaad, qof kastaa wuu daalan yahay, waxaan rabnaa inaan meydadka hal cad ka helno-Laakiin waxba ma heli karno – malaha dhammaantood way gubteen, “ayuu yiri Erdem oo quus ka jooga in uu arko wax ka mid ah xaqiijinta geeridooda
Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay: Waxaan ku guul darreystay dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya
Sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’aadantinimo, Martin Griffiths, ayaa qirtay in Qaramada Midoobay ay ku guuldareysatay in ay caawimo siiso dadka ku sugan gobolka ay mucaaradka ka taliyaan ee Suuriya tan iyo dhulgariirkii ba’naa ee Isniintii.
“Ilaa hadda waanu ku guul darreysannay dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya. Waxay si sax ah u dareemayaan in la dayacay. Raadinta caawimo caalami ah oo aan iman,” Griffiths ayaa ku yidhi bartiisa twitter-ka.
“Waajibkaygu iyo waajibkayagu waa inaan saxno guul-darrooyinkan sida ugu dhakhsaha badan ee aan awoodno. Taasi waa diiraddayda hadda,” ayuu ku daray mar uu booqday aagga xudduudda
Amiirka Qatar oo gaaray Turkiga si uu ula kulmo Erdogan
Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka dhoofay Doha subaxnimadii Axadda si uu ula kulmo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Qatar.
Erdogan ayaa Al Thani ku soo dhoweeyay Qasriga Vahdettin ee Istanbul, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo madaxtooyo oo la wadaagay sawirka madaxda Twitter-ka.
Amiirka Qatar oo ah madaxii ugu horeeyay ee booqasho ku taga dalka Turkiga kadib dhul gariirkii ay dad badan ku dhinteen ayaa waxaa ku wehliya wafdi rasmi ah.
Erdem Avsaoğlu walaashii, ninkeeda iyo labadooda caruur ayaa ku noolaa dhismahan Antakya.
Erdem Avsaoğlu walaashii, ninkeeda iyo labadooda caruur ayaa ku noolaa burbka dhisme ku dumay Antakya 5 maalmood ka dib dhulgariirkii Isniinta
Waxay ku xayiranaayeen burburka hoostiisa iyaga la soo xiriiray qoyskooda ilaa uu dab ka kacay, goobtii ay ku jireem ka dib isgaarsiintoodi ay joogsatay sabtidii-Hadda waa maalintii toddobaad, qof kastaa wuu daalan yahay, waxaan rabnaa inaan meydadka hal cad ka helno-Laakiin waxba ma heli karno – malaha dhammaantood way gubteen, “ayuu yiri Erdem oo quus ka jooga in uu arko wax ka mid ah xaqiijinta geeridooda