31″ May”2022″ AFP
Kumanaan qof ayaa ku barakacay gobolka Pernambuco ee dalka Brazil ka dib markii roobab xooggan ay sababeen fatahaado iyo dhul go’.
Dhimashada daadad iyo dhul go’ ka dib roobab mahiigaanno ah oo ka da’ay waqooyi bari Brazil ayaa gaartay 100 qof, wakaaladda wararka ee AFP iyo wargeyska Folha de S Paulo ee Brazil ayaa werisay, iyagoo soo xiganaya mas’uuliyiin maxalli ah.
Dhiiqa soo rogtay ayaa baabi’isay dhammaan bulshooyinka danyarta ah ee ka baxsan magaalada Recife ee caasimadda gobolka Pernambuco. Saraakiisha maareynta masiibooyinka ee gobolka ayaa sheegay Talaadadii in ugu yaraan 14 qof ay weli maqan yihiin, sida ay sheegtay AFP
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa u duulay aagga isniintii, isagoo ballan qaaday inuu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si “loo yareeyo xanuunka” kuwa ay dhibaatadu saameysey.
Bolsonaro wuxuu soo xigtay masiibooyinka la midka ah ee dhawaanahan ka dhacay buuraha ka sarreeya Rio de Janeiro, ee koonfurta gobolka Bahia iyo gobolka Minas Gerais. Daadad iyo roobab mahiigaan ah ayaa dilay boqollaal kun qofna ka saaray guryahoodii deegaannadaas sannadkii la soo dhaafay
“Nasiib darrose, masiibooyinkani waxay ka dhacaan waddan cabbirkiisu yahay qaarad,” ayuu yidhi Bolsonaro. “Dhamaanteen sida cad waan u murugoonnahay. Waxaan u muujineynaa dareenkayada xubnaha qoyska.
Hadafkayagu weyni waa inaan u qalbi qaboojinno qoysaska iyo sidoo kale, anagoo adeegsanayna agab, ka qaybgalka dadweynaha.”
Bolsonaro wuxuu ku dhawaaqay in dowladiisa ay u qoondeyn doonto $210m (hal bilyan oo reais Brazil ah) si loogu caawiyo dhibanayaasha.
Guddiga is-beddelka cimiladu (IPCC), oo ah hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan qiimaynta sayniska ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, ayaa Recife ku calaamadisay mid ka mid ah meelaha ugu nugul magaalooyinka adduunka.
Tirada degmooyinka ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ka dhacday Pernambuco ayaa gaartay 24 Talaadadii, sida ay sheegtay Folha de S Paulo.
Masiibada dabiiciga ah ayaa sidoo kale ku qasabtay ku dhawaad 6,200 oo qof inay guryahooda ka baxaan, ayuu yiri wargeysku.
犀利士Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in isbedelka cimiladu uu keeno roobab culus, taas oo kordhinaysa fursadaha fatahaada iyo dhul goynta. Guddiga is-beddelka cimiladu (IPCC), oo ah hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan qiimaynta sayniska ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, ayaa Recife ku calaamadisay mid ka mid ah meelaha ugu nugul magaalooyinka adduunka.
“Xeebaha jiifka hoose ee dhowr waddan oo Latin America ah… iyo magaalooyinka waaweyn (tusaale, Buenos Aires, Rio de Janeiro iyo Recife) ayaa ka mid ah kuwa ugu nugul kala duwanaanshaha cimilada iyo dhacdooyinka hydrometeorological ee aadka u daran sida roobka iyo dabaylaha, iyo kulayl-hoosaadka la xidhiidha duufaanada IPCC ayaa ku sheegtay warbixin 2007 PDF).report”