19″ March “2023”
Waxaa kordhay khasaaraha dagaalkii shalay markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah ee SSC.
Dagaalka oo ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan soddan qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan
Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah gaaradada ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen.
Sidoo kale waxa 犀利士 uu xaqiijiyay in 60 qof oo kale ay kaga dhaawacmeen dagaalkii shalay oo kaliya, taasi oo muujineysa baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka bil ka badan ka socda magaalada Laascaanood.
Somaliland oo lagu eedeeyay inay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka L/Caanood
Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Waxgaradka SSC ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dishay maxaabiis ay shalay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka Laascaanood.
Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaasi ay soo bandhigi doonaan, isla-markaana ay xogta rasmiga ah la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.
Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhankooda ay hayaan maxaabiis ciidan oo ay ka qabsadeen Somaliland, balse ay ula dhaqmaan si wanaagsan.