9″ April “2023” Muqdisho
Laamaha amaanka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin tirada Madaafiicda ah ee lagu garaacay deegaano ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo warar horudhac ah ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaafiicdan oo ku dhowaad shan Hoobiye lagu sheegay waxey ku dheceen waaxda 2aad ee Hanti wadaag gaar ahaan nawaaxiga Iskoolka 15May xiliga Af-furka ee magaalada Muqdisho.
壯陽藥 >Jugta hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo cabsi soo wajahday shacabka caasimadda.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaameysa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay dad shacab ah iyo Ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya