Tobaneeyo qof ayaa laga baqayaa inay dhinteen kadib shil doon oo ka dhacay magaalada Cape Verde

17-Aug-2023

Tobaneeyo qof ayaa laga baqayaa inay dhinteen kadib shil doon oo ka dhacay magaalada Cape Verde

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 38 qof oo qaxooti iyo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan afar carruur ah la badbaadiyay kadib markii dooni kalluumeysi laga helay xeebaha Galbeedka Afrika.

Ugu yaraan 63 qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen kadib markii dooni ka timid dalka Senegal laga helay xeebaha Cape Verde ee badweynta Atlantic, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM Arbacadii.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jiraan afar carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 16 jir, ayaa laga soo badbaadiyay doonidii kalluumaysi ee ka tagtay Senegal bishii July, sida uu afhayeenka IOM Safa Msehli u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Wasaaradda arrimaha dibadda Senegal ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah in 37 la badbaadiyay ay u dhasheen Senegal halka hal qof uu u dhashay Guinea-Bissau. Inta badan dadka doonta la socday ayaa la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan dalka Senegal

犀利士 wp-block-image alignleft size-full”>

Ma cadda waxa ku dhacay markabkan maadaama xog yar laga helay.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa soo saaray haraaga 7 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay afhayeenka IOM Safa Msehli, halka 56 qof oo kalena la rumaysan yahay in la la’yahay.

“Guud ahaan, marka dadka lagu soo warramo in la la’yahay ka dib markii ay doon degtay, waxaa loo maleynayaa inay dhinteen,”ayay tiri