20″ October “2022” Aljazeera
Tobanka waddan ee adduunka ugu badan dhimashada is-dilka, lix ka mid ah waxay ku yaalaan Africa WHO ayaa sidaas sheegtay Dheeho.com
Xagjiriinta rabashadaha oo ka faa,iideeysta kuwa niyad jabsan ee la kulma caqabadaha nolsha ayaa qayb ka ah sababaha ka dambeeya korork sare ee dhimashada isdilka qaybo ka mid ah Afrika,犀利士
WHO waxay sheegtay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo ku aadan xal u helista caqabadaha ay la kulmaaan dadka is dila oo u badan dhalinyaro ay heeyso xanuunada caafimaadka dhimirka si loo bixiyo gargaar lagu badbaadinayo nafo u baahan
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa bilaabay olole looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa ka hortagga ismiidaaminta ee Afrika, iyada oo ay jirto qalalaase qaaradda oo dhan ka jira oo u baahan bixinta adeega caafimaadka dhimirka.
Qiyaastii 11 qof % boqolkiiba dadku waxay ku dhintaan isdilka Afrika, taas oo ka sarraysa celceliska adduunka ee % boqolkiiba sagaal , ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka dunida
WHO waxa ay ku qiyaastay in qof kasta oo is dila Afrika ay jiraan ilaa 20 isku day dil oo uu sameeyay Iyada oo tirada dadka Afrikanka ah ee ay saameeysay xaaladaha caafimaadka dhimirku ay kor u sii kacayso iyo tiro yar oo xirfadlayaal caafimaadka dhimirka ah oo la heli karo si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.
WHO waxay hadda ku boorinaysaa dawladaha gobolka inay lacag badan galiyaan barnaamijyada adeegyada caafimaadka dhimirka.
Wacyigelinta dadweynaha iyo waxbarashada ayaa sidoo kale fure u ah horumarinta natiijooyinka caafimaadka dhimirka ee qaaradda oo dhan, sarkaal ka tirsan WHO Ayaa sidaas Aljazeera u sheegay.
U doodayaasha caafimaadka dhimirka ayaa tilmaamaya ceebeynta bulsheed ee ku xeeran xaaladaha caafimaadka dhimirka inay caqabad weyn ku tahay dadka u baahan helitaanka taageerada iyo daaweynta.