13″ September “2022”
Dad aad u tiro badan ayaa ku dhaawacmay isbuurasho kadib markii Kenyaanka ay xoog ku galeen garoon uu Talaadadii lagu caleema saarayay madaxweyne William Ruto.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in xayndaabka garoonka ciyaaraha ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi uu soo dumay ka dib markii ay dadku riixeen ku dhawaad 60 kalena ay ku dhaawacmeen. Ma jiraan wax dhimasho ah oo ka dhashay.
Qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ay ku guuldareysteen in ay isku dayaan in ay ka fogaadaan ciidamada birta watay ee wadada u galay.
犀利士“Booliiska ayaa i garaacay ka dib markii aan isku dayay inaan gudaha galo,” mid ka mid ah goobjoogayaasha, Benson Kimutai, oo lugta ka dhaawacmay, ayaa yidhi.
Ruto ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashadii 9-kii Ogosto ee dimoqraadiyadda ugu xasilloon Bariga Afrika oo uu kaga guuleystay Raila Odinga oo muddo dheer mucaarad ku ahaa. Toddobaadkii hore, Maxkamadda Sare ayaa usbuucii hore diiday caqabado ka dhan ah natiijooyinka rasmiga ah.
Ruto ayaa la wareegaya xukunka dal ay culeys weyn ku saaran tahay deyn taasoo caqabad ku noqon doonta dadaalkiisa ku aaddan inuu fuliyo ballan qaadyadii ololaha doorashada ee uu u sameeyay dadka saboolka ah ee Kenya.
Ruto ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashadii 9-kii Ogosto ee kenya oo dunidu ay ku tilmaamay tii ugu dimoqraadisaneeyd uguna xasillooneeyd doorasho madaxtinimo oo ka dhacda Bariga Afrika
William Ruto ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah ku tagi doona Xeebta Isbuucaan isagoo ah Madaxwaynihii shanaad ee Kenya kadib markii uu amar ku bixiyay in dhamaan alaabaha xamuulka ah lagu celiyo dekeda Mombasa.
Baaqa la soo saaray Talaadadii maanta ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadka ay khuseyso oo uga mahad celiyay Dr Ruto sida uu u oofiyay balan qaadkiisii ololaha doorashada isagoo ka noqday amarkii uu soo saaray Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
Wareejinta adeega dekedaha Mombasa laguna wareejinayo Keydka Konteenarada Gudaha ee Naivasha (ICD) ayaa ahaa mowduuca ugu kulul ee ololihii madaxtinimo ee ismaamulada Mombasa iyo Nakuru.
Hogaamiyayaasha ka socda Mombasa ayaa taageerayay dib ugu soo laabashada howlaha dekeda magaalada xeebta ah, iyadoo dhigooda Nakuru ay riixayaan in maalgashi dheeri ah lagu sameeyo Naivasha ICD.