
19″Aug”2024″Muqdisho Baarlamaanka Somalia ayaa gudagalay dood ku aadan Arimaha Canshuurta
⏩️Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa faahfaahin ka bixiyay dood ay qaad kamid ah xildhibaannadu ka keeneen sida loo hirgeliyay nidaamka Canshuurta Gadista.
⏩️Wasiir Maareeye “Dowladdu Canshuurta waxa ay uga gol leedahay horumarinta dalka.”
⏩️Wasiir Maxamed Barre “Xildhibaan raba in amnigiisa la sugo oo hadana leh yaan canshuur la bixin waa ayaan darro.”
⏩️Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir “Waa ayaan darro in Xildhibaan Soomaaliyeed meel lasoo istaago raalli kama nihin canshuur bixinta.”
⏩️Xildhibaan Ilyaas Sheekh “Dalkeennu ma jirayo haddii aan canshuur la qaadin, wasaaradda Maaliyadduna xaq ayay u leedahay wax ka bedelka Canshuurta dalka.”
⏩️Senator Cabdixakiin Macallin Axmed “Bixinta Canshuurta ayaa gundhig u ah dib usoo nooleynta Shilin Soomaaliga.
⏩️Senator Daahir Ayaanle “Waxaan ku talinayaa in laga shaqeeyo sidii lacagta la daabacayo looga isticmaali lahaa dhammaan dalka.”
⏩️Senator Bilaal Idiris “Waxaan soo jeedinayaa in Baarlamaanku sii wado ka doodista sidii loo heli lahaa lacagta Shilinka Soomaaliga.”