TPLF oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Iyaga oo Shuruud Ku Xiray Xabbad Joojintii uu Abiy Ku dhawaaqay

Sunday 4 July ” 2021

Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray, oo sideeddii bilood ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay ciidammada dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay soo saartay liis dheer oo shuruudo ah oo ay ku aqbalayso xabbad joojinta.

Waxaa ka mid ah in TPLF loo aqoonsado inay tahay dowladda sharciga ah ee gobolka iyo in laga saaro dhammaan ciidammada Eritrea, sidoo baarayaal madax bannaan ay baaraan dambiyada dagaal ee gobolkaasi ka dhacay.

Arrintan ayaa imanaysaa maalma uun kaddib dagaal culus oo ay soo qaadeen ciidammada Tigray-ga uu horseeday inay dib u qabsadaan gobolka xilli saraakiishii dowladdana ay halkaas isaga baxaeen.

Markaas kaddib ayey mas’uuliyiinta Addis Ababa waxa ay ku dhawaaqeen xabbad joojin hal dhinac ah.

Weriyayaashu waxa ay sheegayaan inay adag tahay indowladda Itoobiya ay aqbasho dalabaadka TPLF.

Kumannaan maxaabiis oo ka tirsan ciidamada federaalka Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray, iyadoo dadweyne ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo la dhacsan arrintan.

Maxaabiistan ayaa badankood la sheegay inay u hoggaansameen ciidamada TPLF. Qaarkood ayaa la soo qaaday, halka kuwo kalena ay ku duubneyd faashad uu dhiig ku yaallo

Ciidamada Tigray ayaa dhowaan kuwa dowladda Itoobiya kala wareegay magaalada Maqalle, iyadoo dagaalka gobolka ka dhacay uu saameyn ba’an ku yeeshay bulshada.

Malaayiin qof ayaa ka barakacday gobolka, iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu khudbad uu Talaadadii jeediyay ku sheegay inay been yihiin wararka sheegaya in la jebiyay ciidamada federaalka.

Leave a Reply