9″ January ” 2021″
“Dhamaan ku i weeydiistay ma tagayo Caleemo saarka 20-ka Janaayo,” ayuu bartiisa Twitter.ka ku qoray Trump

Trump wuxuu noqonayaa madaxweynihii afraad ee taariikhda Mareykanka ee ka booda caleemo saarka madaxweynaha badalaya taas oo markii ugu dambeeysay dhacday markii madaxweyne Andrew Johnson uu seegay ka qaybgalka xafladii dhaarinta Ulysses S. Grant sanadii 1869.
Sida laga soo xigtay Guddiga Wadajirka ah ee Congress-ka ee xafladaha daah-furka, “Johnson ma aadin xaflada Madaxweynaha la doortay ee Capitol, kamana xaadirin caleemo saarkiisii . Taabadalkeed, wuxuu kusii nagaaday Aqalka Cad ilaa inta uu ka dhacayay saxiixa waqtiga ugu dambeeya ee sharciga. ”
Balse Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa lagu wadaa inuu qorsheystay ka qeyb galo xaflada caleemo saarka joe Biden
Biden wuxuu hor tagi doonaa Koongaraska si uu ugu dhaqaaqo eedeymo suurtagal ah in uu u jeediyo Trump: Afhayeen
Biden wuxuu diirada saarayaa u diyaar garowga inuu xafiiska la wareego, wuxuuna u tagi doonaa Congress-ka, Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, iyo Golaha Wasiirada ee Trump si ay “ugu dhaqmaan sida ay iyagu u arkaan” arrimaha ku saabsan xil ka qaadista iyo wax ka badalka 25aad, afhayeen u hadlay xil wareejinta Biden ayaa yiri.
Afhayeenka Andrew Bates ayaa hadalkaan yiri isagoo ka jawaabaya su’aal ay weydiisay wakaalada wararka ee Reuters.
“Madaxweynaha la doortay Biden iyo Ku-xigeenka la doortay ee Harris waxay diiradda saarayaan waajibaadkooda – iyagoo isu diyaarinaya inay xafiiska la wareegaan 20-ka Janaayo – waxayna u dhaafi doonaan Madaxweyne Ku-Xigeenka Pence, Golaha Wasiirrada iyo Koongarasku inay u dhaqmaan sida ay iyagu ku habboon yihiin,” ayuu yiri Bates.
