Turkiga Ayaa cambaareyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay ka geeystay Hotelka ku yaal Muqdisho

ISTANBUL –3-Aug-2024 Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u muujisay sida ay uga xun tahay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo galaaftay nolosha dad ka badan 37 qof.

“Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Muqdisho,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ku sheegtay hadal qoraal ah Sabtidii.

Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay weerarka “arxan-darrada ah”, waxayna tacsi u dirtay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku nuux-nuuxsatay taageerada joogtada ah ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo ka dhacay xeebta caanka ah ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.

In ka badan 32 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarkan, waxaana ku dhaawacmay ilaa 63 kale, oo qaarkood dhaawacoodu culus yahay,” ayuu afhayeenka booliiska, Cabdifitaax Aadan Xasan u sheegay war-fidiyeenka, isagoo tirada dhimashada marka hore ka dhigay toddoba qof.

Qaraxa ayaa Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee caanka ah ee Muqdisho, waxaana xigay rasaas.

Xigasho: TRTWorld iyo wakaaladaha