Turkiga ayaa safaaradiisa Khartoum u wareejin doona Port Sudan markii baabuurka safiirka

6″ May”2023″ Aljazeera”

犀利士 ock-image aligncenter size-full”>

Turkiga ayaa safaaradda uu ku leeyahay Khartoum u wareejin doona Port Sudan kaddib markii baabuurka safiirka Turkiga lagu dhuftay rasaas, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu.

“Anagoo nala talineyna dowladda ku meel gaarka ah iyo ciidamada Sudan, waxaan go’aansanay inaan safaaradeena si ku meel gaar ah ugu raro Port Sudan sababo amni dartood,” Cavusoglu ayaa u sheegay suxufiyiinta magaalada Antalya ee koonfurta Sabtidii.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, mana cadda halka ay ka timid rasaasta haleeshay gaadhiga Ismaaciil Cobanoglu, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah oo ay soo xigatay Anadolu Agancy. Wararka ayaa intaasi ku daraya in aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulkaasi.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba ku eedeeyay weerarka lagu qaaday gaariga safiirka.

Dagaal u dhexeeya laba jeneraal oo iska soo horjeeda – taliyaha ciidanka Abdel Fattah al-Burhan iyo taliyaha ciidamada degdegga ah ee RSF Mohammed Hamdan “Hemedti” Dagalo – ayaa dhacay 15kii Abriil.

Khilaaf ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhex abuurayay labada dhinac kaas oo ku saabsan ku biirinta RSF-ta ee ciidamada qalabka sida – shuruud muhiim ah oo ku saabsan heshiiska kala guurka ee Suudaan ay la gashay kooxaha siyaasadda.

Suudaan waxa ay ahayd dowlad la’aan tan iyo dabayaaqadii 2021-kii markii millatarigu uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok dowlad ku meel gaar ah oo ay ku soo rogeen xaalad degdeg ah, tallaabadaas oo ay xoogagga siyaasaddu ku tilmaameen “afgambi”.

Xilliga ku meel gaarka ah, oo billowday Agoosto 2019 ka dib markii xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir, ayaa loo qorsheeyay in lagu soo afjaro doorashooyin horraanta 2024-ka.