Turkiga oo casuumaad u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya

9″ June”2022″ Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay maanta in in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ay ku martiqaaday inuu Turkiga yimaado, si kulan labada dal ay ugu wada yeeshaan xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya.

Wasiirka Beeraha dalkaTurkiga oo ka mid ahaa Wafuuda heerka caalami ah ee lagu casuumay Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyob Erdogan uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale, 犀利士 wuxuu halkaas ka sheegay in dowladiisa Turkiga ay marti qaad uu ku yimaado dalkaasi ay u fidisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

15-kii bishii may ayey ahayd markii doorasho ka dhacday Soomaaliya loogu doortay Xilka Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud oo ahaa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, isagoo markale dib ugu soo laabtay xukunka dalka.

Leave a Reply