29- October-2023

Turkiga oo maanta boqol jirsaday iyo dalalka caalamka oo u tahniyadeynaya
Arrinka hoos loo dhigay, si kastaba ha ahaatee, waxa uu niyad-jab ku abuuray dad badan oo Turkiga ku nool oo aaminsan in xukuumadda Erdogan ay isku dayayso inay wiiqdo dhaxalka aabbihii aasaasay jamhuuriyadda, Mustafa Kemal Ataturk.
Waxa ay u arkaan farxad la’aanta iyo xamaasad la’aanta in ay tahay isku day ay dowladda, oo asalkeeda ka heshay dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Turkiga, si ay u tirtirto xusuusta Ataturk.
Madaxweyne Erdogan ayaa Axadda maanta kormeeray hab-maamuuska soo jireenka ah ee dhigista ubaxa ee qubuuraha Ataturk ee caasimadda. Ka dib waxaa lagu wadaa inuu u safro Istanbul si uu u daawado raxan raxanta maraakiibta militariga ah ee marrinka Bosporus, ka dibna ay ku xigto dabaal degga diyaarad aan duuliye lahayn iyo rash iyo baaruud la ridayo. Khudbadda uu ku xusayo munaasabaddan, ayaa la filayaa inuu ku soo bandhigo waxqabadkii dowladdiisa ee 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dalka Turkiga waxa uu maanta xusayaa sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay jamhuuriyadda casriga ah oo cilmaaniga oo ka timid burburkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta – balse iyada oo aanay jirin dabaal dag weyn oo lagusoo dhaweeyay.
Dawladaha caalamka oo ay ku jiraan kuwa NATO iyo kuwa Muslimiinta ayaa tahniyado usoo diraya madaxweyne Erdogan. Dalalka Pakistan, Qa壯陽藥 tar Azerbaijan iyo Khazakhistan ayaa ka mid ah kuwa sida gaarka ah ugu hambalyeeyay Turkiga boqol jirsigiisa.
Hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa door biday dabbaaldeg hoose, iyadoo ay ku soo beegantay bilo ka dib markii dhulgariir khasaare geystay ay ku dhinteen 50,000 oo qof, wuxuuna ku soo beegmayaa dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo halakeeyay Bariga Dhexe.
