Dowladaha Turkiga & Qatar oo si adag uga hadlay Weerarkii lagu laayay dadka rayidka ee ka dhacay G/Hiiraan ee bartamaha Somalia

4″ September “2022”

Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay weerarkii shalay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku laayeen dadka rayidka ee ka dhacay Degaanka Afar Irdood oo u dhexeeya Degmooyinka Beledwweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Dowladda Turkiga Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegau aad uga xuntahay weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku dhinteen dadka shacabka ah.

DINACA KALE

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu beegsaday basaska gaadiidka ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa ku celisay mowqifka adag ee dowladda Qatar ee ku aaddan diidmada rabshadaha iyo argagixisada, iyadoo aan loo eegin ujeeddooyinka iyo sababaha.

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah.

Leave a Reply