Turkiga Oo Soo Saaray Amar Lagu Soo Xirayo Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Turkiga Oo Soo Saaray Amar Lagu Soo Xirayo Wiilka Madaxweyne Xasan Sheek Dheeho News Every Day

Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baxsaday dalka Turkiga ka dib markii uu shil uu ku galay magaalada Istanbul uu ku dhintay non Turku ah

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shil gaari ku dilay nin Turkish ah oo ka hor inta uusan dalka ka dhoofin.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in shil gaari oo ka dhacay xaafadda Fatix ee magaalada Istanbul, uu ku dilay nin Turkish ah sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga oo sheegay in uu dalka ka baxsaday shilkaas kaddib.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 30-kii bishii November gaarigii uu watay ku jiiray Yunus Emre Gocer, sida ay wararku sheegeen Sabtidii, iyagoo soo xiganaya warbixinta rasmiga ah ee booliska.

Waaran xarig oo la soo saaray

Xeer ilaalinta ayaa soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha maalintii jimcaha, maalmo kadib markii uu dalka ka dhoofay, wararka ayaa intaa ku daray in ka bixista tuhmanaha ee Turkiga ay ahayd mid diiwaan gashan, isla markaana ay mas’uuliyiintu la xiriiri waayeen.

Booliisku waxay tageen guriga tuhmanaha kaliya si ay u ogaadaan “wuxuu maqnaa tan iyo Diseembar 2”, baahinta A Haber ayaa werisay.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ayaa ku dhaleeceeyay maamulka in ay u ogolaadeen tuhmanaha in uu dalka ka baxo

Leave a Reply