10″ January “2023 “https://www.africanews.com/
Maxkamadda dastuuriga ah ee Uganda ayaa Talaadadii meesha ka saartay qeyb muhiim ah oo ka mid ah sharciga internetka ee muranka dhaliyay kaas oo kooxaha xuquuqda ay ku eedeeyeen in looga dan lahaa in lagu caburiyo xorriyadda hadalka.
Qayb ka mid ah Xeerka Ku-xadgudubka Kumbuyuutarku waxay dembi ka dhigtay qof kasta oo”isticmala isgaarsiinta elektaroonigga ah kaas oo lagu eedeeyanaya in uu carqaladeeyo Nabada aamusnaanta ama xuquuqda gaarka ah ee qof kasta oo aan ujeeddo xiriir sharci ah lahayn”.
Garsoore Kenneth Kakuru oo ku dhawaaqay go’aanka guddiga shanta garsoore ee maxkamadda ayaa sheegay in qodobka 2011-kii uu ka horimanayo dastuurka dalka ku yaalla bariga Afrika uuna yahay mid aan waxba ka jirin.
“Waxaan u arkaa in qaybta la da犀利士 cweeyay ay tahay mid aan loo dulqaadan karin maadaama ay xaddidayso xorriyadda hadalka ee bulsho xor ah oo dimuqraadi ah,” ayuu yiri Kakuru oo ku tilmaamay “mid aan caddayn”.
Ururada u dooda xuquuqul insaanka ayaa ka cawday xeerka isgaarsiinta oo ah hab ay dawladu ku xakamayso xoriyatul-qawlka iyo xakamaynta dadka dhaliila dowlada madaxweyne Yuweri Museveni.
Dawladdu wali ma aysan sheegin in ay racfaan ka qaadan doonto xukunkan oo ay soo dhaweeyeen dadka u ololeeya xuquuqda.
Dadka lagu xukumo sharciga ayaa ka mamnuuc ah inay qabtaan xafiis dowladeed muddo 10 sano ah, taasoo Amnesty ay ka digtay inay tahay hab lagu xoojinayo xakameynta dowladda ee xoriyatul qawlka dhanka internetka, oo ay ku jiraan kooxaha mucaaradka ah ee siyaasadeed.
Dembiilayaasha ayaa sidoo kale wajahaya ganaax lacageed oo gaaraya 15 milyan oo shilinka Uganda ah una dhiganta 3,900 oo doolar iyo xarig gaaraya ilaa 7 sano.
Uganda waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah oo lagu hayo dadka ka soo horjeeda xukunka Museveni, gaar ahaan doorashada 2021-ka, iyadoo weriyeyaal la weeraray, qareeno la xiray, kormeerayaal codbixineed oo dacwad lagu soo oogay, internetka oo la xiray, hoggaamiyeyaasha mucaaradkana si xoog leh loo af-duubay.