21″ December “2022” REUTERS
Uganda, Tijaabada daawaynta HIV-ga la isku duro ayaa rajo siisay bukaano qaba Cudurka AIDs-ka Dheeho.com
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ilaa 200 oo bukaan ah oo ku nool waddanka Bariga Afrika ku yaal ee Uganda ayaa waxay bilaabeen in ay tijaabiyaan cirbad ay oggolaatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ka kooban dawooyinka cabotegravir, ama CAB-LA, iyo rilpivirine -Natiijadu waxay ku egtahay 2024.
Daawaynta, oo ay soo saartay dawo-yaqaan Ingiriis ah, GlaxoSmithKline, waa ikhtiyaarka ugu horreeya ee aan kaniiniga ahayn ee lidka ku ah HIV, daraasaduhuna waxay muujiyeen inay xitaa ka sarreeyaan waxtarka kaniiniyada afka dadka qaba xanuunka HIV
GSK waxa ay heshiis la gashay bishii Luulyo si ay ugu ogolaato noocyada guud ee qiimaha jaban in laga isticmaalo adduunka soo koraya laakiin waxa uu sheegay in generic-yada ugu horreeya ay suurtogal tahay in la helo oo keliya 2026 sababtoo ah shuruudaha sharci ee soo saarista iyo isticmaalka
Ku-meel-gaadhka, GSK waxay sheegtay inay ka shaqaynaysay sidii nidaamkan lacag-la’aan loogu siin lahaa dawladaha si ay daraasado u wadaan-Sidoo kale waxaa tijaabada daawadani ay ka soctaa Kenya iyo Koonfur Afrika.
William Tamale, oo ah maareeyaha barnaamijka daawaynta kahortaga fayraska ee la isku duro ee Xarunta Cilmi-baarista Joint Clinical Research Center ee Uganda, ayaa sheegay in dawooyinku ay ahaayeen “mid rajo leh”.
JCRC waxaa loo doortay in ay maamusho tijaabada dawooyinka la isku duro,Tamaale waxa uu mas’uul ka yahay barnaamijka Uganda, halkaas oo ugu yaraan 1.4 milyan oo qof ay la nool yihiin HIV/AIDS
Daawaynta GSK waxay xaqiijisay oggolaanshaha Maraykanka dabayaaqadii sannadkii hore waxaana taageeray sanadkan hayadda WHO