
Isreebreebka 17-jirada AFCON U-17-2024 Uganda ayaa Isku furatay Somalia ooy 4-1 kaga adkaatay xidigaha geeska Ciyaar semi-final ah oo soo celinaysa guushii 17-jirada Somalia oo Uganda ku reebay semi-finalkii CECAFA 2022-dii ee Magaalada Adisababa.

17-jirada Somalia oo u soo baxday semi-finalka, markii ay ka adkaadeen Sudan ciyaartii ugu dambeysay ee Group B, ayaa haatan ka haray tartanka, Iyadoo Uganda ay xaqiijisatay booskeeda tartankan CAF U-17 ee qaramada Afrika (AFCON) oo lagu qaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka dalka Morocco.
