6″ March “2021” MUQDISHO-
Qaraxa ayaa ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Luul Yemeni oo u dhow dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab oo ku dhaw goob ay doonayeen siyaasiinta mucaaradku in ay ku dhigaan dibad bax ka Chan madaxweynaha xiligiisu dhamaaday
Guryo ka ag dhow goobta ayaa la sheegay inay dumeen, sida laga soo xigtay goobjoogayaal,Qaraxa waxa sababay baabuur ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, Bishii August ee sannadkii hore ayey ahayd markii qof is miidaamiye ah uu weeraray isla maqaayaddaas.
Taliska Booliska ayaa Shaaciyay dhimashada 10 Iyo dhaawaca 30 qof in uu yahay ilaa iyo khasaaraha la ogyahay ee Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa intaas ku daray in uu jiro khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay Qaraxa, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa aagga qaraxu ka dhacay.