9″ April “2023”
Ugu yaraan 20 qof ayaa la la’yahay ka dib markii doon isku dayday in ay ka gudubto badda Mediterranean-ka ay ku degtay dalka Tunisia, sida uu sheegay sarkaal, xilli ay aad u kordheen tirada dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay Yurub ku gaaraan doonyo ka yimid dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.
Ilaalada xeebaha ayaa badbaadiyay 17 kale, oo labo ka mid ah ay xaaladoodu liidato, kadib markii doonidu ay ku 壯陽藥 degtay meel u dhow xeebaha Sfax, sida uu sheegay garsooraha maxkamadda Sfax Faouzi Masmousdi Sabtidii.
Tuniisiya waxay u beddeshay Liibiya meesha ugu weyn ee ay ka baxaan dadka ka soo cararay faqriga iyo colaadaha Afrika iyo Bariga Dhexe iyagoo rajo ka qaba in ay nolol wanaagsan ka helaan Yurub.
Ilaalada Qaranka Tunisia ayaa Jimcihii sheegay in in ka badan 14,000 oo Qaxooti ah, oo badankoodu ka yimid Saxaraha ka hooseeya, la qabtay ama la badbaadiyey saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, xilli ay isku dayayeen inay u gudbaan Yurub, taas oo shan jeer ka badan tirooyinka la diiwaangeliyey isla muddadaas sannadkii hore. .
” Ilaalada xeebaha ayaa ka hortagaya 501 isku day qarsoodi ah oo lagu doonayay in looga gudbo soohdinta badda waxayna soo badbaadiyeen 14,406 [qaxooti] oo ay ku jiraan 13,138 ka yimid wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Jimcihii sheegay in Yurub ay halis ugu jirto inay aragto mowjado qaxooti ah oo ka imaanaya waqooyiga Afrika haddii aan la ilaalin xasilloonida dhaqaale ee Tunisia.
Meloni waxa uu ugu baaqay Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo dalalka kale inay si degdeg ah u caawiyaan Tunisia si ay uga fogaato burburkeeda.
Wasiirka arrimaha dibadda Tunisia Nabiil Cammaar ayaa todobaadkii hore sheegay in wadanku u baahan yahay dhaqaale iyo qalab si uu si wanaagsan u ilaaliyo xuduudihiisa. Tuniisiya waxay qalab ka heshay Talyaaniga sannadihii la soo dhaafay, laakiin Cammar wuxuu sheegay in uu duugoobay oo uusan ku filnayn.