Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa goor oo goor dhoweyd ka dhacay agagaarka xafiiska duqa magaalada Muqdisho,

22″ January “2023” Muqdisho

Mas’uuliyiin iyo shaqaale badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, ayaa laga soo badbaadiyay Weerar Qarax ku billawday oo ka dhacay Xarunta Duqa Magaalada Muqdisho Dheeho.com

Ilaa Shan ruux oo dabley alshabaab ah ayaa gudaha u galay xarunta gobolka banaadir oo wali laga dhax maqlayo rasaas goos goos ah

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa goor oo goor dhoweyd ka dhacay agagaarka xafiiska duqa magaalada Muqdisho, iyadoo rasaasta kadib ay bilaabatay, sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal.

Dableyda weerarka qaaday mid kamid ah ayaa is qarxiyay, halka labo kalana ay toogteen ciidamadda amniga,

Argagixisada ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku qarxiyay darbiga suuqa Muqdisho oo xiga xarunta maamulka G/Banaadir,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed oo ka tirsan booliiska.

C/qaadir C/raxmaan, oo ah Agaasimaha Adeegga Ambalaasta Aamin Ambulance, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Shaqaalaha Ambalaasta ay shan qof oo dhaawac ah ka daad gureeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xafiiska duqa magaalada ayaa ku yaala dhismaha xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho oo ah meel aad loo ilaaliyo.

Leave a Reply