21″ April “2021 ” Kinshasa
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho saddex maalmood ah uga bilaabatay magaalada Kinshasa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ka dib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Felix Tshisekedi.
Uhuru ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxweynaha martida loo yahay ee Tshisekedi wuxuuna la qaatey soo dhaweyn heer qaran oo dhameystiran ah.
Madaxda soo dhoweysay Uhuru Kenyatta ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha dibada Christophe Lutundula iyo gudoomiyaha gobolka Kinshasa Gentiny Ngobila Mbala.
Kahor imaanshaha Uhuru ee magaalada Kinshasa ayuu ku tilmaamay booqashadiisa inay tahay mid la xiriirta sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal ee ka dhexeeya Kenya iyo DRC iyada oo loo sii marayo ganacsiga iyo isdhexgalka dadka iyo dadka.
Booqashada Uhuru ee dalka Congo ayaa imanaysa saacado kadib markii uu halkaas ka soo ambabaxay Madaxweynaha xilliga uu ka dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.