In ka badan 30 oday dhaqameed oo reer Puntland ah ayaa taageeray go’aanka siyaasadeed ee SSC iyo Khaatumo


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

In ka badan 30 oday dhaqameed oo reer Puntland ah ayaa taageeray go’aanka siyaasadeed ee SSC iyo Khaatumo

In ka badan 30 oday dhaqameed oo ka soo jeeda Puntland ayaa taageeray go’aanka SSC-Khaatumo, ka dib markii ay dhawaan ku dhawaaqeen Isimada SSC-Khaatumo inaysan ka qayb qaadan doonin soo xulista xildhibaanada Puntland ee soo socda.

Kulanka oo Jimcihii ka dhacay magaalada Garoowe oo uu shir guddoominayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa laga soo saaray go’aan ah in baarlamaanka soo socda uu ka koobnaado 49 xubnood. Doorashada ka dib ayaa lagu wadaa in laga doodo sidii loo buuxin lahaa kuraasta ay baneeyeen xildhibaanada SSC-Khaatumo.

Odayaasha ayaa sidoo kale ku booriyay xubnaha ka soo jeeda SSC-Khaatumo ee ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada inay is casilaan, iyagoo ku nuux-nuux saday in SSC-Khaatumo aysan ku lug lahayn arrimaha doorashada.

Go’aanka odayaasha dhaqanka ayaa yimid kadib markii madaxweynaha xilka haya Deni uu sheegay in 17-ka xildhibaan ee kasoo jeeda deegaanada SSC aan laga reebi doonin baarlamaanka. Dhanka kale, musharixiinta mucaaradka ayaa ku eedeynaya madaxweynaha inuu isku dayay inuu 17-ka jago ee SSC-Khaatumo uu si shaqsi ah u doorto.

Doorashada maamul-goboleedka waqooyi ee Soomaaliya ee Puntland ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 8-da Janaayo 2024

Leave a Reply