Maxay tahay cabsida Ilhaan Cumar ay sheegtay inay la soo daristay ?

October 22, 2023

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilalda Maraykanka ayaa sheegtay inay la soo daristay cabsi ammaankeeda iyo tan qoyskeeda ah ka dib hanjabaado loo soo diray.

Ilhan oo la hadlaysay Telfishinka NBC News ee dalkaas Mareykanka ayaa xustay inay dareensan tahay in nolosheeda laga yaabo inay khatar ku jirto ka dib markii ay hareeyeen hanjabaado loo soo diray oo la xiriita hadalo ay ka dhahday xiisada ka taagan Qasa ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israa’iill.

Iyadoo sii hadlaysay ayey sheegtay in Muslimiinta Maraykanka ay dareemayaan heer aan la arkin ilaa maalmihii weerarkii 9/11.

Ilhaan ayaa cambaaraysay weerarkii Xamaas hase yeshee waxay si aan gabbasho lahayn u dhaleecaynaysay muddo dheer siyaasadda Israa’iil ee ku wajahan Falastiin iyo taageerada Washington ee Tel eviv.

Waxay ku eedeysay xildhibaannada midigta fog inay isticmaalaan kuwa ku xiran luuqado halis leh oo abuuri kara nacayb waxay kaloos sheegtay in hogaamiyasha Aqalka sare ay aamusaan marka xisbigoodu uu soo bandhig犀利士 o weerarradan sunta ah oo ay diidaan inay la xisaabtamaan xagjiriinta safkooda.

Tan iyo markii ay xilka qabatay Ilhaan omar ayaa la kulantay hanbabaado ah in la dilayo.Iyadoo la qabtay labo nin oo qirtay inay danbeeyey hanjabaada dilkaa.

“Tani waa mid dhab ah waxaan u baqayaa caruurtayda, waana kala hadlay inay feejignaadaan waayo ma ogaan kartid waxa imaan kara”ayey intaas ku dartay.

Ilhaan iyo xubnaha kale ee muslimiinta ah ee kula jira Congrsska waxay dhaleecayn rasmi ah kala kulmeen xisbigooda Iyo madaxda Yahuuda.

Aqalka Cad ayaa ugu yeeray weerarkii Xamaas ee Israa’iil ficil shaydaan oo lagu laayey dadka an waxba galabsan.

Sen. John Fetterman oo ka tirsan Aqalka Saree ee Maraykanka ayaa Arbacadii sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xubnaha Congresska ay qaateen erayada Xamaas ka dib markii Rashida Taalib oo Golaha Wakiillada ka tirsan ay ku celisay in Israa’iil ka danbeeyeen weerarkii cisbitaalka Qasa.

Xafiiksa Ilhaan Cumar ayaa sheegay inay hanjabaadaha ay sii kordhayeen tobankii maalmood ee la soo dhaafay. Cododka qaar ee xafiiskeedu loo soo dirayna ay muujinayaan wax argagax xoog leh.

Xildhibaannada tirada yar ee Muslimiinta ah ee Congresska ayaa wajahay hanjabaado mudooyin dheer.

Xagaagii hore, Florida nin lagu helay inuu Ilhaan iyo xildhibaanno kale ugu hanjabay dil ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo toddobo kun oo dollar oo ganaaxa.

Sidoo kale nin kale ayaa New York lagu xukumay hal sano oo xarig kaas oo si cad dil ugu hanjabay Cumar.

Dhinaca kale, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa daba-gal ku sameeyay inay sii kordhayaan falalka lagu beegsanayo Muslimiinta iyo Yuhuudda Maraykanka ee u muuqda inay ka dambeeyaan Colaadda Bariga Dhexe.

Khatarta ayaa ah mid ay si gaara u dareemayaan Musliinta taas oo korortay ka dib markii wiil 6 jir ah oo Falastiini Mareykan ah lagu dilay meel ka baxsan Chicago.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa falkaas ku tilmaamay mid Islaam nacayb ah oo ka dhashay waxa ka taagan Qasa.

Leave a Reply