26″ December “2022” ALJAZEERA”
UN-ka oo fariin u diray Taliban ayaa yiri Waa muhiim’ in laga noqdo mamnuucida haweenka ee NGO-yada Dheeho.com
Hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn ayaa bilaabay in ay ka baxaan dalka Afghanistan iyaga oo ka jawaabaya xayiraadaha lagu soo rogay haweenka ka shaqeeya NGO-yada
Go’aanka Taliban ay uga mamnuucday haweenka inay ka shaqeeyaan NGO-yada ayaa keentay in hay’ado badan ay joojiyaan howlihii gargaarka ee Afgaanistaan- Iyadoo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan uu ka codsaday maamulka Taliban inuu ka noqdo mamnuucidda haweenka ee ah inay ka shaqeeyaan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn.
“Malaayiin reer Afgaanistaan ah waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, ka saarista caqabadaha waa muhiim,” Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan (UNAMA) ayay bayaan ku sheegtay Isniintii Qaramada midoobay.
Warku wuxuu intaa ku daray in ku simaha madaxa UNAMA ahna isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Ramiz Alakbarov uu la kulmay wasiirka dhaqaalaha Mohammad Hanif.
Wasaaradda Hanif ayaa Sabtidii amartay dhammaan NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa ajnabiga ah inaysan u oggolaan shaqaalaha haweenka inay shaqeeyaan illaa ogeysiis dambe. Awaamiirta si toos ah uma khuseyso UN, laakiin qaar badan oo ka 壯陽藥 mid ah barnaamijyadeeda waxaa fuliya NGO-yada iyadoo la raacayo amarka.
Axadii, saddex NGO-yo caalami ah – Save the Children, Norwegian Refugee Council iyo CARE International – ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay joojinayaan barnaamijyadooda iyagoo sugaya caddaynta amarka maamulka.
“Si wax ku ool ah uma gaarsiin karno carruurta, haweenka iyo ragga ku dhibaateysan Afgaanistaan la’aanteed shaqaalaheenna dumarka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaas ku dartay, la’aanteed haweenku ay wadaan dadaalka, ma aysan gaari lahayn malaayiin Afgaanistaan ah oo u baahan gargaar tan iyo bishii Ogosto ee sannadkii hore.
Dhanka kale, Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah (IRC) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay joojinayaan adeegyadii ay ka hayeen dalka Afghanistan, iyagoo ku sababeeyay arrimo la mid ah kuwa hay,addaha kale
Hay,adda IRC ayaa sheegtay in in ka badan 8,000 oo qof ay ka shaqeeyaan Afgaanistaan, ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah ay yihiin haween.
Mar sii horreysay, hay’adda caalamiga ah ee gargaarka ee AfghanAid ayaa sheegtay in ay si degdeg ah u joojisay hawlihii ay qaban jirtay inta ay la tashanayso hay’adaha kale, iyadoo hay’adaha kale ee aan dowliga ahaynna ay qaadeen tallaabooyin la mid ah.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ee Afgaanistaan ayaa sidoo kale Axaddii walaac ka muujisay tallaabadan iyo xannibaad hore oo haweenka looga saaray inay dhigtaan jaamacadda, iyagoo ka digaya “cawaaqibta bini’aadanimo ee musiibada ah ee mustaqbalka dhow iyo fog”.
Balse maamulka Taalibaan ilaa hadda ma muujin wax calaamado dabacsanaan ah iyo jiritaanka rajo dib looga fiirsanayo ah go,aanada mamnuucidda haweenka ka shaqeeya NGO-yada ama wax ka barta jaamacadaha.
Sidaas oo yahay waxaa jira banaabaxyo subax walba oo dumar badni dhigaan laakiin maamulka Taliban wuu ka aamusay in uu wax talaabo ah ka qaado iyadoo banaabaxayaashu kala dareeraan marka ay waayaan cid ka hoos qaada cabashadooda