UNESCO Ayaa Wariyaal Soomaaliyeed Guddoonsiisay Buug Yaraha Habka Bad-Baadada Covid-19

Hay’adda UNESCO ayaa Wariyaal Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsiisay Buug yaraha habka Bad-baadada wariyaasha tebinaaya Safmarka Covid19 ee Soomaaliya, waxaana Buuggani uu siinayaa Wariyaasha timaamo ku sabsan hab tebinta Safmarka Covid19 ee Soomaaliya.

Buuggaan oo ay taabba galisay UNESCO ayaa soo koobaya tilmaamo dhowr ah oo la xariira Caabuqa Covid19, waxaana wariyaasha uu ka caawinayaa sidii ay u sameyn lahaayeen taxadar dheeraad ah oo ku aaddan Caabuqa, sida: Calaamadaha lagu garan karo Covid19, Talooyin ku aaddan sidii looga hortagi lahaa, Calaamadaha Hor-dhaca u ah iyo talooyin kale oo uu bixinayo Buuggani.

Xayeeysiin”

Ha’adda ayaa la kaashatay Buugga SONATCOM, waxaa la guddoonsiyay Wariyaal ka howlgala xaruumo kala duwan, iyadoo uu siinayaa timaamo ku sabsan hab tebinta Safmaraka Covid19 ee Soomaaliya

Waxaa la gaarsiiyay Buug-yaraha 16 Xaruun warbaahineed oo ka tirsan Ururka  Warbaahinta Madaxa Bannaan ee SIMHA, waxaana ka faa’iidaysanaya Buugga wariyaasha ka howlagala Xaruumahaasi, iyadoo uu xanbaarsan yahay Tilmaamo hagayaa hab tebinyooda iyo sidii ay uga bad-baadin lahaayeen Wariyaashu naftooda iyo tan Bulshada kale.

Wariyaasha la guddoonsiiyay Buug yaraha ayaa ka mahad celiyay, maaddama uu ka caawinayo waxyaabo badan oo ku aaddan sidii ay u wajihi lahaayeen hab tebinta iyo Habka bad-baadada Covid19, Buug yaraha habka Bad-baadada wariyaasha tebinaaya Safmarka Covid19 ee Soomaaliya ayaa wariyaasha u ah muhiim.

Covid19 ayaa dunida Saameyn weyn ku yeeshay, waxaana Wariyaashu ay yihiin kuwa mar waliba u taagan soo gudbinta dhacdooyinka la xariira Caabuqa, maaddama uu noqday Musiibo dunida ku habsatay, taasi oo loo baahan yahay in ay Bulshadau wax badan ka ogaadaan, waxaana warbaahintu ay tahay meesha ugu fudud ee loo mari karo.

Leave a Reply