UNHCR ayaa soo bandhigtay tirada dadka ku barakacay rabshadihii 10-ka maalmood ka socday magaalada Laascaanood

8″ January “2023

UNHCR ayaa soo bandhigtay tirada dadka ku barakacay rabshadihii 10-ka maalmood ka socday magaalada Laascaanood Dheeho.com

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in mudaharaadyadii ka dhacay Magaalada Laascaanood ay ku dhinteen 14 qof, halka 38 kalena ku dhaawacmeen.

Hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga ee UNHCR oo ka hadashay xaalada magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in dad gaaraya, 2,880 qof lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda intii uu socday mudaaharaadyadii ugu dambeeyay ee ruxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hay,addu oo ka digtay in la abuuro masiibo laga maarmi karo ayaa sheegtay dadka oo laga sa犀利士 aro guryahooda in ay ka dhalan karto dhibaato horseeda xaalad bani,aadantinmo oo xun

Leave a Reply