UNICEF ayaa ku baaqday in la sii daayo carruur lagu afduubay bariga Congo DRC

27″ January “2023” AFP”

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa Jimcihii ku boorisay in la sii daayo 13 carruur ah oo lagu afduubtay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo bishan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in 11 wiil iyo labo gabdhood la rumeysan yahay in ay afduubteen koox hubeysan xilli ay weerar ku qaadeen tuulo ku taalla gobolka Wa壯陽藥 qooyiga Kivu.

UNICEF oo cambaaraynaysa afduubka, waxay ka walaacsan tahay in carruurta la afduubay loola dhaqmo si ka baxsan bini’aadantinimada, waxayna ku baaqaysaa in si degdeg ah loo sii daayo,” ayaa lagu yiri.

22-kii Janaayo, xubno looga shakisan yahay Allied Democratic Forces (ADF) ayaa dilay ugu yaraan 23 qof intii lagu jiray weerar lagu qaaday tuulada Makugwe oo ay dhowr qof ku qafaasheen, ilo-wareed ayaa horay ugu sheegay AFP.

ADF waa mid ka mid ah kooxaha hubaysan ee ugu dilka badan bariga DRC, oo ah gobol aan xasilloonayn oo ay aafeeyeen rabshado tobanaan sano ah.

Kooxda hubeysan – oo sheegtay inay xiriir la leedahay kooxda ISIL (ISIS) ee bartamaha Afrika – ayaa lagu eedeeyay inay gowracday kumannaan rayid ah oo reer Congo ah ayna weeraro qaraxyo ah ka geysatay Uganda.

Leave a Reply