Ururka Warbaahinta SOMA oo doortay Hoggaan cusub

31 Tuesday “Aug” 2021″ Muqdisho

Shirweynaha dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa lagu doortay maanta hoggaan cusub kadib kulan saddex maalmood ah oo ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Guud ee SOMA oo ay maanta xaadir ku ahaayeen Agaasimayaasha, & wakiilada Idaacadaha ka tirsan SOMA, ee ka kala socday Gobollada dalka ayaa waxaa cod aqlabiyad leh loogu doortay Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan,halka guddoomiyaha ururka loogu doortay Hilaal Sheekh Shuceyb.

Xilka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamay Hilaal Sheekh Aweys, Sharmaake Suuleey, Maxamuud Cabdi Ibraahim & Axmed Caano Geel, waxaana Guddoomiyaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ku guuleystay Hilaal Sheekh Aweys oo ah Agaasimaha Radio Warsan ee Magaalada Baydhabo, kaas oo helay 17 Cod.

Xilka Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa u tartamay laba musharrax oo kala ah Axmed Cumar Saalixi, & Xasan Cabdiraxmaan, waxaana ku guuleystay xilka gudoomiye ku xigeenka Saddexda sano ee soo socota Axmed Cumar Saalixi.

Ugu dambeyn Xoghayihii hore ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa Xoghayaha Cusub ee SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan waxaa uu ku wareejiyay xilka, isaga oo sheegay inay la Shaqeyn doonaan.

Leave a Reply