Villa Somalia oo sharaxaad ka bixisay arrin uu ogolaaday Xasan oo la xiriirta Al-Shabab

28-Jube-2024

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inuu ogol yahay in wada-hadal lala furo Al-Shabaab, kadib muddo uu diidanaa arrintaas.

Xuseen ayaa caddeeyay in uusan jirin wax wada-hadal ah oo dowladda federaalka la furtay kooxda Al-Shabaab ama qorsheysan waqti dhow, uuna hadalka madaxweynaha ahaa marka ay fikirka xagjirka ah ka tanaasulan in lala fariisto.

“Dowladda federaalka Soomaaliya wax wada-hadal ah kulama jirto Al-Shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo ku saabsan soo jeedintan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay jaraan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.”

Xasan Sheekh oo horraantii bishaan June booqasho ku tegay dalka Norway ayaa mar wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada-hadalka

Madaxweynaha ayaa markaas sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo.