Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka Somaliland looga qabsaday Goojacadde?

26- August-2023

Kadib dagaalkii shalay subax ka dhacay xeradii ugu weyneed ee ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku lahaayeen gobolka Sool ee Goojacadde, ayaa waxaa u suuragashay ciidamada la wareegay goobta ee SSC in ay gacanta ku dhigaan maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Magaalada Laascaanood oo muddo siddeed bilood ah bulshadii ku noolayd ay barakac ku yihiin degaanno kala duwan ayaa waxaa laga dareemayay gaadiid badan oo ku soo qulqulaya iyadoo cabsi xoogleh ay ka taagan tahay kumannaan gumucyo ah oo aan qarxin oo dhulka ku duugan.

Sidoo kale saaka ayay sheegeen inay maxaabiis cusub ka soo qabteen goobo baadiye ah. Balse xogtaasi BBC ma xaqiijin karto.

Dhanka Somaliland weli ma xaqiijin tiradan.

Faysal

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay waddooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.

Dadka shalay ay SSC qabatay waxaa kamid ah taliyihii guutada 12 aad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Feysal Bootaan.

Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa inta badan hogaaminayay dagaalladii horey uga dhacay aagga Goojacadde, ee dhexmaray Somaliland iyo SSC.

Guutada uu hoggaaminayay ee 12 aad ayaa ahayd ciidamadii ugu badnaa ee ku sugnaa Goojacadde.

Intuu socday dagaalka Laascaanood ayuu mar ku dhaawacmy dagaalka, balse maalin kadib ayuu warbaahinta la hadlay isaga oo sheegaya in wax sidaas u badan aysan soo gaarin.

Gaadiidka iyo Hubka

Somaliland

Sida uu noo sheegay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo ka mid ah guddiga 45-ta ah ee maamula Guddiga SSC, ilaa 84 gaadiidka dagaalka ah ayay ciidamada ku qabteen dagaalkii Goojacadde ay kula wareegeen.

Xogta uu nala wadaagay ayaa ah sidan:

Shan taangi

Toban Beebbe

Labo PM-21

30 Zikauu

25 Dhashiike (qori dagaal)

Toddoba Zuu-21

Saddex Zuu-37

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 130

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 105

Iyo saddex gaadiidka xamuulka ah sida ay sheegeen saraakiisha, waxaa kale oo jira gaadiid aan weli la diwaan-gelin.

Somaliland

Sidee SSC ula wareegeen Goojacadde?

Salaada subax horteed shalay ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen.

“Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi.

Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM.

waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen.

Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay si fudud ula wareegi doonaan saldhigga Goojacade oo muddo dhowr bilood ah ay gaari waayeen.

Wixii xiligaa ka dambeeyay waxaa abuurmay jahwareer xooggan waxayna ciidamada Somaliland u kala carareen jihooyiin kala duwan.

“Waxaa laga qabsaday Maraaga, Goojacade, Dhuxun, Xargega, Golayeedhay, Canjiid, Adhicadeeye, Samakaab, Yagoori, Wadhake iyo Guumays oo dhamaantood ay saldhiyo ciidan ku lahaayeen” sidaa waxa noo sheegay Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diireye oo ka mid ah Golaha 45ta ah ee SSC.

Leave a Reply