Waa kuma ciyaaryahanka ay farta wadnaha kaga haysato Soomaaliya ee dhowaan wajahaya xulka qaranka?

11- November-2023

Weeraryahankii hore ee Manchester city Xiddigga kooxda Al- Ahli iyo Xulka Algeria Riyad Mahres ayaa ka mid noqday ciyaartahannada tabaradaha xulka Algeria u soo xushay inay la wajahaan xulka qaranka Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb loogu diyaargaroobay Is_reebreebka Koobka, Adduunka -2026da ee bartamaha bishan November

iyaartoyda, maamulka iyo macalliimiinta xulka oo waayadan ku sugnaa dalka Marooko ayaa isu diyaarinayey kulankooda weyn ee ay la ciyaarayaan Xulka Algeria Khamiista soo socota.

Kulamo saaxiibtinnimo oo ay xulka Soomaaliya isugu diyaarinayso is reeb reebka Koobka Aduunka ooy la cayaareen dalalka Niger iyo Sierra Leone kuwaas oo dhammaantood ay guul darraysteen Hadaba Maxaan Fili karnaa ?.

Kulamadaas ayaa muujiyey tayada hooseysa ee xiddigaha Soomaaliya oo 16-ka bishan isu diyaarinaya kulan ka tirsan is reebreebka Koobka Aduunka oo ay la ciyaarayaan dalka Algeria.

Xiddigga kooxda Al- Ahli iyo Xulka Algeria Riyad Mahres ayaa ka mid noqday ciyaartahannada tabaradaha xulka Algeria u soo xushay inay la ciyaaraan xulka Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb reebka Koobka Adduunka 2023-ka.

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay marka la soo bandhigay in xiddiggan heerka caalami uu ku jiro safka Algeria taas oo durba abuurtay walaaca ciyaarta Soomaaliya la dheelayso dalka ku yaalla Waqooyi犀利士 Afrika oo ka mid ah kuwa ugu horeeya kubadda cagta qaaradda Afrika.

Ciyaarta ayaa lagu qabanayaa garoonka Nelson Mandela ee dalka Algeria, 16 bsihan November oo ku beegan maalinta khamiista ee toddobaadka dambe.

Hadalhaynta kulanka iyo filashada ciyaarta

XIDDIGAHA SOOMAALIYA
Qoraalka sawirka,Xiddigaha Soomaaliya

Wariye Maxamed Cumar Baakaay oo ah khabiir ciyaaraha ah ayaa sheegay in hadal haynta kulankaan laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Baakay ayaa qaba in kulankaas uu yahay mid ku adag Soomaaliya marka la eego xulka Algeria oo ka mida ugu awoodda badan kubadda cagta qaaradda Afrika.

Axmed Tahliil Cali oo hada ah tababaraha kooxda Jeenyo ee heerka kowaad ee Soomaaliya hore ugu ciyaaray xulka Soomaaliya ayaa xusay inaan la fududaysan karin xiddigaha xilligan matalaya dalka kuwaas oo labadii bilood ee la soo dhaafay ku tababaranayey dalalka Marooko iyo Tunisia.

“Aniga waxaan qabaa waayo aragnimayda kubadda cagta inaan ciyaartaas ugu yaraan barbar dhac keeni karno Algeria, sababtoo ah waxaa ku jira kuwo leh tayo sare oo laga soo xulay kooxaha kowaad ee dalka iyo kuwa laga keenayo dalka dibadiisa oo aad u wanaagsan” ayuu yiri Tahliil

Inkasta oo ciyaartoyda Soomaaliya ay ku jiraan u diyaargarowga kulanka iyagoo ku sugan dalka Marocco oo hada ah guriga xulka ay ku marti galin doonaan lugta labaad ee Algeria.

Soomaaliya ayaa ah dal ka soo kabanayaa dagaallo iyo burbur muddo dheera, falanqeeyasha ciyaaraha ayaa qaba in xiddigaha aysan helin taageeradii agab iyo tababar ee ay u baahan yihiin.

Marka laga qiyaas qaato kulamadii bishii October ay dheeleen xiddigaha Xulka Soomaaliya ma muuqato filasho natiijo badan ah kulanka Khamiista ay garoonka Nelson Mandela kula ciyaarayaan Algeria.

Waa kuma xiddigga Riyad Mahrez ee ka hortagaya Soomaaliya?

Leave a Reply